Døgnåpen telefon: 

22 48 03 80

Somali/Soomaali

Somali/Soomaali

Ma laguu geystay tacadi oo ma u baahan tahay cid aad la hadasho?   

Xarunta dadka dhibban iyo Xarunta aqoonta tacadiyada ka dhex dhaca dadka isu dhow ee Oslo waxay taageero siiyaan haweenka, ragga iyo carruurtooda loo geysto ama loo geysan jiray tacadi jidhka ama niyadda ah, xadgudubyo, hanjabaado, kufsi, xadgudubyo jinsiyeed ama noocyo kale oo tacadi ah.

Waannu ku caawin karnaa. Annaga waxaad naga heli kartaa:

  • Cid aad la hadasho
  • Meel aad joogtid oo ammaan ah
  • Talooyin iyo tilmaamo
  • In lagaa caawiyo hawl-maalmeedkaaga
  • In lagaa caawiyo in aad xidhiidh la samaysid qareen iyo hay’adaha dawladda ee dadka caawiya
  • In aad ka qaybgasho kooras ku saabsan tacadiga

Qofkii u baahan waa la siin doonaa meel uu joogo oo ammaan ah. Waa meel loogu talagalay qofka weyn ee keli ah iyo qofka weyn ee carruur wataba. Xataa xayawaanka aad guriga ku haysatay waxannu kuu geyn karnaa meel ammaan ah, haddii aad xaruntayada joogaysid.

  • Annaga waxa na saaran waajib xog iyo sir qarin ah, islamarkaana waannu furan nahay saacad kasta.
  • Dhammaan adeegyada aannu bixino waa bilaash.
  • Ma u baahnid in cid kale marka hore halkan kuu soo gudbiso.
  • Haweenka iyo ragga tacadiga loo geystay ma wada joogayaan hal meel.
  • Waxannu isticmaalaynaa turjumaan markii loo baahdo.

Maclumaadka xidhiidhka:

  • Telefoonka saacad kasta furan: 22 48 03 80
  • Barta internetka: oslokrisesenter.no
  • E-boos: Postmaster@oslokrisesenter.no